Dowladda ismaamulka Garissa ayaa daahfurtay barnaamij looga gol leeyahay in lagu xalliyo caqabadda dhinaca biyaha ee saameysay xaafadaha deegaanka hoose ee Galbeet.
Wasiirka biyaha iyo waraabka ee Garissa Cabdi Cumar ayaa sheegay in mashruucan lagu dhameystiri doono muddo labo toddobaad gudahood ah.
Waxaa ka faa’iidaysanaya dadweynaha ku nool xaafadaha ADC, Highland, BurBuris iyo kuwa kale ee dariska la ah.
Wasiirka ayaa xusay in shacabka xaafadahan ay in muddo ah wajahayeen biyo la’aan sidaas awgeedna uu uga mahadcelinayo dulqaadka ay muujiyeen.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladda ismaamulka Garissa iyo shirkadda biyaha iyo maareynta bullaacadaha ee GAWASCO ay iska kaashanayaan in la qodo saddex ceel biyood.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in mashruuca biyo gelinta ee xaafadda Tawakal ee magaalada Garissa la billaabi doono toddobaadka soo socdo waxaana ka faa’iidaysanaya dadweynaha xaafadaha College, Masalani, Muzuri, Sambul iyo Baashaal ee deegaanka hoose ee Waaberi.