Wararkii ugu dambeeyay COVID 19 Kenya

0
454

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa maanta oo isniin ah shaacisay kiisas dhan 745 ee COVID-19 ah ka dib markii baraitanao lagu sameeyay dad gaaraya 6,209 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Heerka caabuqa waxaa ay maanta marayaan boqolkiba 12.0%.
Wadarta guud ee xaaladaha Corona dalka laga xaqiijiyay ayaa kor u kacay taas oo gaartay 212,573.
Waxaana Viruska ka soo kabsatay 161 bukaan ah taas oo Bogsashada guud ka dhigaysa 197,468.
Tan iyo markii uu dalka ka bilwayday COVID 19 waxaa guud ahaan dalka ugu geeriyooday 4,179 iyadoona maanta la diiwangaliyay 30 dhimasho ah.