Qareenada u doodaya ganacsade u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Haaruun Aydiin kaasoo wadanka laga tarxiilay ayaa sheegay inay tagayaan maxkamadda.
Axmadnaasir Cabdullahi oo ka mid ah garyaqaanada ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabada ay dowladda qaaday.
Waxaa uu ku doodayaa in lagu xadgudbay xaquuqda ganacsadaha marka la eego hab-raaca habboon ee u degsan tarxiilka.
Qareenka ayaa intaa ku daray in xita hadii ay noqoto sanadka dambe ay wadanka dib ugu soo celin doonaan Aydiin.
Axmadnaasir Cabdullahi ayaa sheegay inuu filayay in maanta maxkamadda la horkeeno Haaruun balse la tarxiilay
Waxaa uu xusay in hadii u dembi galay la horgeyn lahaa maxkamadda si uu u wajaho caddaaladda halkii ay masaafurin lahaayeen” ayuu yiri Axmadnaasir.
Balse Qoraal uu qareen Axmadnaasir Cabdullahi mar dame soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku sheegay in Haaruun Aydiin aan la tarxiilin balse uu si iskiis ah uga safray Nairobi
Ganacsadaha oo la qabtay Sabtidii xilli uu ka soo laabtay dalka Uganda ayaa lagu eedeyay maalgelinta argagixisada in kastoo aan dacwad rasmi ah lagu soo oogin.
Aydiin ayaa xiriir dhow la leh ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa kooxdii ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ee toddobaadkii hore laga hor istaagay inay u safraan wadanka Uganda.
Xarigga Aydiin waxaa dhaliilay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo xulafadiisa siyaasadeed oo uu ka mid yahay Oscar Sudi oo ku sheegay arrin siyaasadeysan .
Dr Ruto ayaa sheegay inuu la hadlay Aydiin oo uuna gaaray dalkiisa waxaa uuna sheegay inuu ka raali galiyay sida loola dhaqmay.