Saddex eedeysanayaal ah oo lagu kala magacaaba Cabdullaahi Garaad Maxamad, Cabdullaahi Maxamuud Maxamad iyo Cabdiqaadir Ibraahim Bure ayaa waxaa ay shalay kasoo hor muuqdeen maxkamadda magaalada Wajeer ka dib markii lagu eedeeyay inay faraxumeeyeen gabar 16 sano jir ah.
Maxkamadda markii ay dhageysatay dacwadda raggaan loo haysto ayaa ku sii daysay damiin lacageed oo dhan 3 milyan midkiba.
Kiiska loo haysto raggaan ayaa mar kale dib loo dhageysan doona 12-ka bishaan.