Nin si khalad ah labo sano loogu xiray xaruunta dadka dhimirka la’a

0
458

Nin guri-laawe ah oo aan haysan hooy ayaa si khaldan loo xiray oo lagu hayay isbitaalka dhimirka muddo ka badan laba sano, ka dib markii lagu qalday nin uusan waligiis la kulmin.
Ninkan oo lagu magaacabo Joshua Spriestersbach ayaa dhibtiisu waxay bilaabmatay sanadkii 2017, markaas oo uu ku jiray saf uu cunta ku sugayay.
Markii ay boolisku toosiyeen, wuxuu u maleeyay in sababta loo xiray ay tahay inuu jabiyay sharciga magaalada ee ka dhanka ah fadhiga iyo jiifitaanka waddooyinka dadweynaha, laakiin arrinka ayaa intaasi ka weynaa.
Waxa Spriestersbach uusan ogeyn ayaa ah in sarkaalka booliiska uu si uun ugu qalday nin lagu magacaabo Thomas Castleberry, kaasoo lagu haystay kiis ku saabsan daroogada oo dhacay sannadkii 2006-dii lahaa na amar lagu soo xiro.
Balse arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in labada nin aysan isku ekeyn muuqaal ahaan.
Nasiib darro, cidina ma rumaysnayn Joshua Spriestersbach, ilaa uu dhakhtar ku takhasusay cilmu -nafsiga ugu dambayntii go’aansaday inuu dhegeysto waxa uu sheegayo oo uu sameeyo baadhitaan fudud. Waxa kaliya oo ay qaadatay waxay ahayd wicitaano taleefan oo yar iyo raadinta Google si loo barto in Joshua Spriestersbach uusan xitaa joogin isla jasiiradda Thomas Castleberry xiligaas. Intaa waxaa sii dheer, Castleberry -ka dhabta ah ayaa mar hore lagu xiray xabsi tan iyo 2016.
Dhakhtarka dhimirka ayaa shaqaaleysiiyay dambi baare kaas oo baaritaan ku sameeyay faraha iyo sawirrada si loo ogaado ninkan sida khaldan loo xiray. Waqtigan xaadirka ah, Spriestersbach waxuu ku qaatay laba sano iyo sideed bilood xarun maskaxeed sabab la’aan.