Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya oo u safartay Muqdisho

0
634

Wafdi ay hoggaaminayso wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda Raychelle Omamo ayaa gaaray caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho .
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamad iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi.
Dhinacyada kulmaya ayaa la filayaa inay diiradda saaraan xoojinta xiriirka ka dhexeya labada dowladood ee dariska ah.