Eliud Kipchoge oo difaacday rikoorka Olimbikada

0
707

Eliud Kipchoge oo ka mid ah orodyahaanada dalka ayaa difaacday rikoorkiisi dhanka orotanka ee cayaaraha olimbikada.
Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii uu helay guusha mar kale raacday.
Shacabka Kenyaanka ah gaar ahaan kuwa ku nool ismaamulka Baringo ayaa soo dhaweeyay guusha Kipchoge oo mar kale taariikh ka dhigay caalamka.
E. Kipchoge ayaa ku orday 2 saacadood 8 daqiiqo iyo 38 ilbiriqsi isagoona helay biladda Dahabka.
Waxaa kaalinta labaad iyo saddexaad ku guuleystay 2 wiil oo Soomaali ah, oo u ordayay labo dal oo qaaradda Yurub ka tirsan.
Cabdi Nageeye oo u ordayay dalka Netherlands ayaa galay kaalinta labaad isagoo ku orday 2 saacadood 9 daqiiqo iyo 58 ilbiriqsi, isgagoona sidaasi ku qaatay billadda Qalinka.
Waxaa kaalinta saddexaad soo galay Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium islamarkaana ku orday 2 saacadood iyo 10 daqiiqo, sidaasi oo u ku qaatay billaddii harsaneyd ee Maarta.