Dowladda oo laga codsaday inay diiradda saarto daryeelka saraakiisha caafimaadka

0
301

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen xaaladaha cudurka COVID19 ee gudaha Kenya ayaa dowladda dhexe loo soo jeediyay inay mudnaanta koowaad siiso badbaadinta nolosha howlwadeenada caafimaadkan.
Waxaa baaqan soo saaray ururka dhakhaatiirta dalka ee KMA.
Dalladdan ayaa sheegtay in wasaaradda caafimaadka laga doonayo inay dardargeliso in dhakhaatiirta safka hore kaga jiraan la tacaalidda cudurka ay helaan adeegyada muhiimka ah , tallaalka iyo taageero maskaxeed.
Ururka KMA ayaa bayaan ku sheegay inay lagama maarmaan tahay in si wayn loo maalgeliyo baaritaanada ka dhanka ah caabuqa corona.
Mas’uuliyiinta ururkan ayaa xusay in hadii la dayaco dhakhaatiirta ay adkaan karto in laga guulaysto xanuunka COVID19.