Xildhibaanka Kimilili oo la xiray

0
368

Waxaa maanta gacanta lagu dhigay mudanaha laga soo doortay deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma Didmus Wekesa Barasa
Tani ayaa timid kadib markii Jimcihii uu ka soo dhex muuqday muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada isagoo dharbaaxaya qandaraasle.
Taliyaha booliska ee deegaan baarlamaneedka Kimilili, Mwita Marwa ayaa xariga xildhibaanka u xaqiijiyay warbaahinta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in mudanaha uu xadgudubka gaystay ka dib markii qandaraaslaha uu diiday inuu furo fasallo uu dhisay ilaa iyo inta laga siinaya lacag dhan 3.4 milyan oo kaga baxday.