ODM oo dalbatay in la baaro eedeymo uu Sonko u jeediyay xoghayaha arrimaha gudaha

0
707

Xisbiga ODM ayaa dalbaday in baaritaano xaqiiqo raadin ah lagu sameeyo eedeymo uu barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko u jeediyay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Karanja Kibicho.
Tani ayaa timid ka dib markii uu Sonko sheegay in 2017-kii uu jiray qorsho ay dowladda ka dambeysay oo lagu burburiyay hanti ka dibna lagu eedeyay xisbiga ODM.
Xoghayaha guud ee xisbigan Mr. Edwin Sifuna ayaa sheegay in aan la fududeysan karin hadalka ka soo yeeray Mike Sonko sidaas awgeedna ka xisbi ahaan ay dalbanayaan in la soo bandhigo shakhsiyaadkii qorshaha la sheegay qaybta ka ahaa iyo ujeedaddii ay ka lahayeen.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa tagay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista ee DCI si uu u qoro fariin ku aaddan arrikan.
Waxaa uu Mike Sonko ka dalbaday inuu soo bandhigo caddeymaha uu hayo hadii kale uu maxkamadda la tiigsan doono.