Idiris Maxamuud Xuseen waa arday wax ka barta machadka caafimaadka laantisa Machakos, saddex toddobaad ka hor ayay tuugo weerar ay ku soo qaadeen dhaawac culus na u geysteen. Falkan ayaa loogu gaystay xaafadda Islii ee deegaanka Kamkunji magaaladatan Nairobi sida reerkiisa inoo sheegeen.
Waxaa uu haatan ku jira qaybta daryeelka deg deg ah ee lagu la tacaalo dadka xaaladoodu liidato ee loo yaqaano ICU-da.
Wariyeheena Cabdinuur Al Xaaji ayaa ku booqday isbitaalka, warbixintaan ayuu inooga diyaariyay.
Ciddii dooneysa inay caawiso fadlan kala xiriir:0723795708 ama Pay bill:8030755 Magaca ku soo baxaya Caaisha Macalim Maxamuud