Golaha wakiillada Maraykanka oo xilka qaadistii Trump u gudbiyay aqalka sare

0
414

Qoraal ka soo baxay golaha wakiillada ee Maraykanka oo ku saabsan xilka qaadistii lagu sameeyay madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ayaa lagu wareejiyay aqalka sare.
Waxay tallaabadan horseedeysaa in aqalka senate-ka uu bisha soo socoto guda galo dhageysiga eedeymaha loo jeediyay Trump.
9 ka mid ah mas’uuliyiinta golaha wakiillada Maraykanka oo ay soo xulatay guddoomiye Nancy Pelosi ayaa dokumeentigan gudbiyay galinkii dambe ee shalay.
Donald Trump ayaa sida ku cad qoraalka waxaa lagu eedeyay inuu ka dambeeyay rabshadihii 6-dii bishan ka dhacay daarta US Capitol ee magaalada Washington.
13-kii isla bishan ayay ahayd markii xilka laga qaaday Trump oo hal toddobaad un ka dib uu talada kala wareegay Joe Biden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here