Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa qorsheynaya in 14-ka bisha Tobnaad ee sanadkan ay doorashooyin ku celis ah ka dhacaan deegaannada hoose ee kala ah Ceeldaas oo ka tirsan (Wajeer), Kiagu(Meru) iyo Nguu/Masumba oo hoos tagto Makueni.
Codeynta ku celiska ah ayaa ku soo beegmaysa ka dib geeridii ku timid wakiillada kala ah Ibraahim Cabbaas, Eunice Kirimi iyo Harrison Ngui.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa siyaasiyiinta doonaya inay jagooyinkan buuxiyaan ku wargeliyay inay codsiyadooda diraan ka hor ama ugu dambeyn 4-ta bisha sideedaad ee sanadkan.
Chebukati ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal dowladeed hadii uu doonayo inuu tartanka ka qayb galo looga baahan yahay inuu iska casilo xilka uu hayo.
Ololaha siyaasadeed ee doorashooyinkan ku celiska ah ayaa socon doono 25-ka bisha sideedaad ilaa 11-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.