Madaxweyne Uhuru oo hoggaamiyaasha caalamka ugu baaqay in la maalgeliyo arrimaha waxbarashada

0
482

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa madaxda wadamada kala duwan ee dunida ku boorriyay inay sameyaan maalgelin ballaaran oo dhanka tacliinta ah.
Waxaa uu soo jeediyay in la taageero soo saaridda xeerarka ku saabsan howlaha waxbarashada.
Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay inay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo kheyraadka ay dowladaha kala duwan u qoondeeyaan tacliinta.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in horumarka tiknolojiyadda looga faa’iidaysto wax baridda ardayda.
Mr. Kenyatta ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu magaalada London ee Ingiriiska ka jeediyay khudbad halkaasoo lagu soo gabagabeeyay shir caalami ah oo labo cisho diiradda lagu saarayay waxbarashada.