Xaaladaha COVID19 ee Myanmar oo laga dayrinaya

0
442

Boqortooyada Ingiriiska ayaa walaac ka soo saartay xaaladaha cudurka COVID19 ee dalka Myanmar.
Waxaa uu Ingiriisku u sheegay golaha amniga ee qaramada midoobay in hadii aan tallaabooyin ka hor tag oo degdeg ah la qaadin labo toddobaad gudahood uu dalka Myanmar caabuqa corona ku saameyn karo kala bar tirada dadweynaha halkaasi ku nool oo ah 54 milyan.
Wadanka Myanmar ayay rabshado ka jireen tan iyo koowdii bishii labaad ee sanadkan xilligaasi oo uu militarigu hoggaanka kula wareegay qaab afgembi ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay aad u liitaan kaabayaasha caafimaad ee dalkaasi iyadoo cudurku uu ku sii dhex faafaya bulshada.