Waxay murugo soo foodsaartay mid ka mid ah qoysaska ku nool ismaamulka Kisumu ka dib markii gabadhooda oo 2 sano jir ah ay ka soo dhacday balkooniga dabaqa afaraad ee dhisme ay deggan yihiin.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Kisumu Samuel Anampiu ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in dhismahaasi uu ku yaalla xaafadda Tom Mboya ee Kisumu.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gabadha oo uu dhaawac ka soo gaaray dhanka madaxa loola cararay isbitaalka si loo daweeyo balse ay ugu dambeyn geeriyootay maadaama ay xaaladeeda caafimaad liidatay.
Waxaa hadda la guda galay baaritaano ku aaddan dhacdadan.