Xisbiga ODM oo ka baxaya NASA

0
464

Xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa shaaciyay inuu iskaga bixi doono isbeheysiga NASA oo uu sanado ka hor kula midoobay ilaa afar xisbi oo kale.
Xoghayaha guud ee ODM Edwin Sifuna ayaa sheegay in go’aankan la qaatay ka dib kulan uu yeeshay golaha qaran ee fulinta ee xisbiga.
Marka laga soo tago ODM waxaa sidoo kale dalladda NASA xubno ka ah xisbiyada ANC, Wiper, Ford-Kenya iyo CCM.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxa ANC iyo dhigiisa Wiper Kalonzo Musyoka ay wacad ku mareen inay xisbiyadooda ka saarayaan isbeheysigan.