Taliska Qaybta 27 ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa guulo waa weyn ka sheegtay Dagaal Culus oo iyaga iyo AL-shabaab shalay ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Howlgaladaan oo shalay ilaa Xalay laga Sameeyay deegaano badan oo u dhexeeya degmooyinka Buulo-Burte iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayay sheegeen Ciidamada Xooggu inay Jab ku gaadhsiiyeen Al-shabaab.
Taliyaha Qaybta 27 Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Generaal AxmAd Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Maleeshiyada Macawisleey ay Howlgalo Culus ka Sameeyeen Deegaanada Afcade iyo Ceel Bacad ee Gobolka Hiiraan ayna halkaas ku dileen 30 Xubnood oo AL-shabaab ka Tirsanaa Hubna ay uga Furteen.
Wali AL-shabaab kama hadlin sheegashada Ciidamada Xoogga Soomaaliya ee ku aadan in laga dilay 30 Xubnood oo xubnahooda ka tirsanaa sidoo kale Ma jiraan warar madaxbanaan oo Xaqiijiyay balse dagaalkii shalay ilaa Xalay ka dhacay deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa ahaa Mid Culus oo la Rumaysan yahay inuu Khasaare Xooggan ka dhalan karo.