180,000 gabdhood oo la siinaya suufka caadada la iskaga nadifiyo

0
646

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in 180,000 oo gabdho arday ah ay ka faa’iidi doonaan barnaamij loogu qaybinaya suufka ay isku nadiifiyaan xilliga dhiigga caadada.
Barnaamijkan oo soconaya muddo saddex bilood ah ayaa laga fulinayaa guud ahaan dalka.
Wasiirka tacliinta ee Kenya Prof. George Magoha ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu maanta daahfuray qorsho looga gol-leeyahay in xal loogu helo caqabadaha gabdhaha ardayda ah soo foodsaara xilliga caadada.
Waxaa mashruucan fulinaysa hay’adda MPESA Foundation iyadoo sidoo kale gabdhaha lagu wacyigelin doono qaabka ay nadaafadda ugu dadaali karaan xilliyadan.
Macluumaadka shirkadda Procter and Gamble ayaa muujinaya in boqolkiiba 65 ee haweenka iyo gabdhaha ku nool Kenya aynan awoodin inay iibsadaab agabka nadaafadda xilliga caadada.
Sidoo kale waxay shirkaddan sheegtay in boqolkiiba 42 ee gabdhaha ardayda ah aynan weligood isticmaalin suufka habboon waxayna badankoodu adeegsadaan siyaabo kale oo ay dantu ku khasabtay.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii hay’adda M-Pesa Foundation ay saddex bilood ,800,000 oo gabdhood oo sameynayay imtixaanaadka qaran u qaybisay suufka la iskaga nadiifiyo caadada
Warbixin ay qaramada midoobay soo saartay sanadkii 2016-kii ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah 10-kii gabdhood ee ku nool wadamada ka hooseeya saxaraha Afrika aynan si joogto ah iskaga xaadirin fasallada marka ay helaan dhiigga billaha maadaama aynan heli karin agabka nadaafadda loo isticmaalo.