Xubnaha ururka qaran ee kalkaaliyaasha dalka ee KNUN ayaa dowladaha ismaamullada ka codsaday inay xalliyaan tabashooyinka dhanka caafimaadka.
Waxay sheegeen in aan loo baahneyn hanjabaad la xiriirta in shaqada laga eryaya oo kaga timid guddoomiyaha golaha barasaabyada ee CoG ahna hoggaamiyaha ismaamulka Kakamega Mr. Wycliffe Ambetsa Oparanya.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in laga billaabo maanta ay gobollada kala duwan ka dhigi doonaan dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in la siiyo caymis caafimaad oo dhameystiran, lacagaha guunnooyinka ee la xiriirta halista dhanka shaqada iyo agabka la iskaga difaaco cudurka COVID-19 oo tayo leh.
Kalkaaliyaasha ayaa shaqo joojin ku guda jirtay in ka badan 40 cisho.