Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa shaaca ka qaaday heshiis la xiriira amniga oo ay maanta wada saxiixdeen dowladaha Kenya iyo Ingiriiska.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ayuu wasiirku ku sheegay in tallaabadan ay caddeyn u tahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeya labada dal.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay sidoo kale muujinayso sida madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ay kaga go’an tahay wanaajinta cilaaqaadka istaraatiijiga ah iyadoo lagu saleynaya heshiisyada labo geesoodka ee ku qotomo danaha ay Ingiriiska iyo Kenya wadaagaan.
Dr. Fred Matiang’i ayaa tilmaamay in is-afgaradkan cusub uu ku saabsan yahay iskaashiga iyo isku dubaridka sare loogu qaadayo tayada ,hoggaanka iyo dardargelinta tallaabooyinka looga falceliyo caqabadaha ay ka midka tahay argagixisada caalamiga ah.