DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in dagaalkii Beledxaawo la soo afjaray

0
760

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ciidanka xoogga dalka ay soo afjareen dagaalkii ka socday degmada Beled-Xaawo ee u dhaxeeyay Ciidmada Cabdi Rashiid Janan iyo kuwa Xogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa ay faahfaahin ka bixisay dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Dalxiiska Dowlada Fedraalka Soomaaliya Cismaan Dubbe oo Shir jaraa’id Warbaahinta ugu Qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada shiisheeye iyo kuwo fallaago ah ay soo weerareen degmada Beledxaawo, iyagoo doonayay inay la wareegaan, balse Ciidamada dowladda ay si adag isaga difaaceen.
Waxaa uu sheegay Wasiirku in Ciidamada Dowladda ay guulo la gaareen dagaalka, isla markaana ay jab xoogan gaarsiiyeen kuwii soo weeraray sidoo kale ay dagaalka ku qabteen in ka badan 100 Maxaabiis ah.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe waxaa uu Tilmaamay in la soo adeegsaday maleeshiyaad fallaago ah, kuwaaoo uu sheegay in badankood ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Beledxaawo.
Ugu dambeyn Wasiir Dubbe waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay marwalba diyaar u tahay difaaca dalkeeda, waxaana uu sheegay in Ciidamadii soo weerraray degmada Beledxaawo madaafiic ay ku garaaceen degmada ay ku dhinteen Carruur isku qoys ah,isagoo sheegay in dowladdu gacanta ku dhigtay Hub fara badan oo dalka sharci darro lagu soo galinayay,wuxuuna sheegay Wasiirku in Masuuliyadda dadka shacabka ah ee dagaalkaas ku dhibaatoobay ay qaadayaan kuwa soo Weerraray.

Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa sheegay inay qabsadeen labo ka mid ah Gaadiidka Ciidamada Janan oo mid ka mid ah uu yahay gaariga nuuca gurmadka deg deg ah ee loo yaqaani Ambalaas.
Maamulka Jubbaland ayaa goor sii horeysay shaaciyay inay la wareegeen inta badan Magaalada Beledxaawo walow dowladda Soomaaliya ay beenisay Warkaas.
Dagaalka oo xalay saqdii dhexe bilaawday ayaa waxaa uu ku faafay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo Ciidamada ay isku adeegsnayaan hubka noocyaadiisa kala duwan sida ay wararku sheegayaan.
Wararka ayaa Tilmaamaya in dadka ugu badan ee wax ku noqday dagaalka Xalay ilaa Saaka ka dhacay Beled-Xaawo ay yihiin Shacab, kuwaas oo qaarkood Madaafiic ay ku dhacay Gurigooda.
Shan Carruura oo isku Qoys ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen hal Goob, kadib markii uu hoobiye ku dhacay gurigooda, waxaana hoobiyaha ka badbaada Aabahood oo lagu Magacaabo Abdiwali Turmaag Maxamed.
Dhinaca kale Hoobiye ku dhacay guri ku yaalla degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen Aabe & Saddex Carruur ah oo uu dhalay.