Xildhibaanka deegaanka Mathira oo la xiray

0
416

Ciidamada booliska ayaa gacanta ku dhigay mudanaha deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri ,Rigathi Gachagua.
Mr. Gachagua ayaa laga qabtay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Sagana ee magaalada Nyeri.
Xildhibaanka ayaa warbaahinta u sheegay in aroornimadii hore ee maanta ay hooygiisa howlgallo ka fuliyeen saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Qareenkiisa oo lagu magacaabo Wahome Gikonyo ayaa laga soo xigtay in howlgalka la sameeyay abaare 5-tii aroornimo ee maanta.
Waxaa uu intaa ku daray in ciidamo dhan 15 ay mudanaha qabteen hasa ahaate aynan wax faahfaahin ah ka bixin sababta ay u xireen.
Waxay wararku sheegayaan in siyaasigan loo soo qaaday xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista ee Nairobi oo hadda su’aalo lagu weydiinaya.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo qabtay balse waxaa horay loogu eedeyay lunsashada kheyraadka dadweynaha iyo in ballaayiin shilin oo la rumeysan yahay in lagu helay qaab qandaraas ah lagu diray akoontiyadiisa bangiyeed.
Mr.Gachagua oo sidoo kale la xiray sanadkii hore ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in lagu hayo bartilmaameedsi siyaasadeed maadama ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu faahfaahiyo sida uu ku helay lacagaha shakiga la geliyay.