Qarashaadka waxbarashada ee dugsiyada sare oo la yareeynaya

0
454

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa shaaciyay in la yareeyn doono qarashaadka waalidiinta kaga baxa wax baridda carruurta dhigata dugsiyada sare ee dowladda.
Tani ayaa culeyska ka fududeynaysa waalidiinta uu cudurka COVID19 ku yeeshay saameynta dhaqaale.
Wasiirka ayaa sheegay in marka dugsiyada dib loo furo toddobaadka soo socdo , lacagta laga qaado ardayda xarumaha qaran ee tacliinta laga dhimi doono 8,500 oo shilin.
Magoha ayaa maamullada dugsiyada ismaamullada ku amray inay xaqiijiyaan in waalidiinta marka ay bixiyaan qarashaadka ay baaqi u noqoto ama u soo harto 5,500 oo shilin
Wasiirka ayaa sheegay in tacliinta dugsiyada hoose dhexe ay tahay lacag la’aan oo hadii wax qarash ah uu ku baxaya ay noqonaysa keliya cuntada taasoo aan waalidku khasab ku ahayn.
Go’aankan ayuu u aaneeyay isbeddelka ku yimid jadwal sanadeedka dugsiyada dalka waxaa uuna carrabka ku adkeeyay in dhamaan maamullada goobaha waxbarashada laga doonayo inay u hoggaansamaan.