In ka badan 300 oo qof oo ku dhimatay rabshadihii Koonfur Afrika

0
564

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in rabshadihii ka dhacay wadankaasi ay galaafteen nolosha 337 ruux.
Tiradan oo horay lagu sheegay 276 ayaa dib u eegis lagu sameeyay.
Waxay isugu jiraan 79 qof oo lagu dilay gobolka Gauteng iyo 258 ku nafwaayay gobolka KwaZulu-Natal.
Khumbudzo Ntshavheni oo ka mid ah mas’uuliyiinta xafiiska madaxweynaha dalkaasi ayaa laga soo xigtay in tiradu ay korortay ka dib markii dad dhaawacmay ay ugu dambeyn geeriyoodeen.
Rabshadaha oo sidoo kale hanti lagu boobay halka goobo ganacsi la gubay ayaa looga falcelinayay xarig 15 bilood ah oo ay maxkamad ku riday madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma oo loo haysto falal musuqmaasuq.