Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa xalay la kulmay guddiga Hirgalinta Doorashada qaranka ayadoo 25 Bishan oo ku beegan Maalinka Axada ah lagu wado inay Magaalooyinka Maamul goboleedyada ka Bilowdaan Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Soomaaliya.
Waxaa uu kula dardaarmay inay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.
Guddiga Doorashooyinka ayaa Ra’iisul wasaaraha u gudbiyay caqabadaha heysta oo ay kamid yihiin dhaqaalle yarida iyo in wali aysan soo gaarin dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa kaloo Guddigu sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada aysan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare.
Dhanka kale Waxaa jirta Cabsi laga qabo inay dib u dhacaan Xilliga doorashooyinka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Sababo la Xariira dhaqaale yari iyo diyaar Garowga Maamul goboleedyada oo aan Heerkii la rabay gaar siinin.