Sossion oo weli eedeynaya TSC

0
669

Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa mar kale guddiga adeegga barayaasha ee TSC eedeyn dusha uga tuuray.
Waxaa uu sheegay in guddigan uu caqabad ku noqday maareynta arrimaha gudaha ee KNUT.
Sossion ayaa dhanka kale TSC kula taliyay in ay diiradda saarto dhaqangelinta heshiiskii ku saabsanaa mushaar kordhinta ee la wada saxiixday.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn in TSC ay khilaaf ka dhex abuurto hoggaanka KNUT iyo xubnaha ka tirsan.
TSC ayaa dhankeeda si joogto ah iskaga fogeysay eedeymaha uga yimid hoggaanka ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT.