DHAGEYSO:Guddoomiyaha Baladxaawo oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerar halkaas ciidamo ku dhex maray

0
825

Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in dagaal halkaasi ka billawday uu weli socdo saaka.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada horay gacanta ugu hayey iyo kuwo taabacsan maamulka Jubaland oo uu hor kacayo wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan.
Sida uu idaacadda Star FM u sheegay guddoomiyaha degmada Baladxaawo Cabdirashiid Cabdi Caroog waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay taliye ku xigeenkii saldhigga Baladxaawo.