Madaxweynaha Mexico oo laga helay cudurka COVID-19

0
557

Hoggaamiyaha wadanka Mexico Andres Manuel Lopez ayaa sheegay in galinkii dambe ee shalay uu haleelay cudurka COVID-19.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in astaamaha lagu arkay ay yihiin kuwo aan aad u sarreyn sidaas awgeedna uu rajeynayo inuu caafimaadi doono.
Qoraal uu soo dhigay barta Twittarka ayuu madaxweynaha Mexico ku sheegay in isagoo ka qoomamoonayo uu dadkiisa ku wargelinayo in uu ku dhacay cudurka.
Waxaa uu qoraalka ku xusay in hadda xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo .
Lopez oo 67 sano jir ah ayaa lagu dhaliilay qaabka uu u wajahay wax ka qabashada caabuqa corona gaar ahaan in ay muddo dheer ku qaadatay inuu dalkaas ku soo rogo xayiraado dhanka isku socodka ah, in isku soo baxyo la qabanayay sidoo kalena uu taagerayaashiisa gacmaha ku salaamayay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uulkan aan inta badan la arag isagoo afxirka adeegsanaya.