Madaxweynaha dalka oo cambaareeyay dilka haweeney u ololeyn jirtay arrimaha deegaanka

0
509

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa si kulul u cambaareeyay dil loo gaystay haweeney lagu magacaabo Joanna Stuchburry oo ka mid ahayd shakhsiyaadka diiradda saaro badbaadinta bilicda deegaanka.
Waxaa uu ciidamada ammaanka ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkeeda.
Falka looga takhalusay Ms Stuchburry ayuu hoggaamiyaha wadanka ku tilmaamay mid arxaan darro ah.
Galinkii dambe ee shalay ayaa lagu dilay gurigeeda iyadoo ilaa iyo hadda aan la aqoonsan haybta cidii falkaasi gaysatay.
Waxaa haweeneydan lagu xusuusta in ay dadaal badan ku bixisay ilaalinta keynta Kiambu.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalka ee State House ayuu Mr. Kenyatta ku sheegay in maamulkiisa uu qirayo kaalintii Ms Stuchburry ee deegaanka oo uu murugada la qaybsanaya qoyskeeda, ehelladeeda , asxaabteeda iyo si guud shacabka ku nool ismaamulka Kiambu.
Qoraalka waxaa qayb ka ah inay nasiib darro iyo arrin laga qoomamoodo tahay in dad aan damiir lahayn ay qaab laga naxo u dileen Joanna.
Mr. Kenyatta ayaa dadka dilkan ka dambeeyay ku sheegay cadowga horumarka wadanka isagoo dhanka kale ballanqaaday in laga qaadi doono tallaabada sharciyeed ee ay mudan yihiin.