Dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ayaa sheegtay in ay sare u qaadi doonto barnaamijyada lagu garab istaagaya dhallinyarada dhibaatooyinka u nugul iyo carruurta ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.
Barnaamijyadan ayaa ah kuwo la xiriira nafaqada , caafimaadka , biyaha , faya dhowrka, nolol maalmeedka iyo la tacaalidda cunno yarida.
Waxay tallaabadan qayb ka tahay heshiis ay wada saxiixdeen dowladda ismaamulka Garissa iyo hay’adda badbaadada carruurta ee Save The Children.
Heshiiska is-afgaradka ku saleysan waxaa wada saxiixay xoghayaha dowlad deegaanka Garissa Cabdi Muxumad Cali iyo agaasimaha barnaamijyada hay’adda, Kenneth Sisimwo.
Hay’addan ayaa miisaaniyad dhan 110 milyan oo shilin ugu talagashay wanaajinta adeegyada caafimaadka iyo nafaqada.
Waxay sidoo kale gacan ka gaysanaysa badbaadinta carruurta , waxbarashada iyo xallinta saboolnimada saameysay qoysaskooda.
Ilaa 38,750 qof ayaa la faa’iidaysan doono iskaashigan oo si gaar ah loogu caawinaya qoysaska nolol ahaan liita.