Doorasho ku celis ah oo ka socoto Kiambaa

0
319

Waxaa deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha dalka ka socoto doorasho ku celis ah ka dib geeridii bishii saddexaad ee sanadkan ku timid Paul Koinange oo halkaasi xildhibaan ka ahaa.
Waxaa codkooda dhiibaya ilaa 96,000 qof.
Musharraxiinta tartamaya ayaa kala ah Kariri Njaama (Jubilee) Njuguna Wanjiku (UDA), Evans Gichia PPK, Karomo Muchungi wa (FPK), David Mugo (madax bannaan), Wanjiru Muthaka (PNU), Ngugi Njoroge oo matalaya TND iyo Willie Mbugua .
Dhanka kale guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa loogu baaqay inuu codeynta u maareeyo si cadaalad ah.
Waxaa uu tartanka ugu adag ka dhexeya xisbiyada Jubilee iyo UDA iyadoo dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ay sheegayaan in natiijada soo baxdo ay saadaal u noqon karto mustaqbalka siyaasadeed ee bartamaha Kenya.