Macaamiisha KCB oo lacago u diri karo dibadda iyagoo adeegsanaya ablikeeshin

0
355

Bangiga KCB ayaa heshiis la saxiixday Western Union si macaamiisha ay ugu fududaato in lacago looga soo diro dibadda ama ay ku xawilaan wadamada kale ee caalamka.
Tani ayaa u suuragalayso iyagoo isticmaalaya adeegga ama ablikeeshinka taleefoonka gacanta.
Madaxa arrimaha ganacsiga ee bangiga KCB Mr. Samuel Makome ayaa sheegay inay farxad u tahay inay horumarkan gaareen si macaamiisha ay u helaan adeegyo maaliyadeed oo casri ah.
Sanadkii 2020-kii , lacagaha laga soo diray qurbaha ayaa ahaa 3.094 bilyan oo doolar.