Badeecadaha Shiinaha oo laga mamnuucay Maraykanka

0
498

Aqalka sare ee Maraykanka ayaa ansaxiyay xeer dhigaya in badeecadaha laga soo saaro dalka Shiinaha aan halkaasi loo iib gayn karin.
Arrintan ayaa si gaar ah u saameynaysa wax soo saarka gobolka Xinjiang ee xukuumadda Beijing.
Tani ayaa ah tallaabadii ugu dambeysay ee uu Maraykanka qaado oo uu cadaadis ku saaraya dowladda Shiinaha.
Qaar ka mid ah saraakiisha xukuumadda Washington ayaa go’aanka aqalka sare u aaneeyay waxa lagu tilmaamay xasuuq uu Shiinuhu ku hayo bulshada Uighurs iyo muslimiinta kale ee dalkaasi.