DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo howlgala ka Sameeyay Xaafado Muqdisho ka Tirsan

0
258

Ciidanka Amaanka Soomaaliya, gaar ahan Ciidamada Booliska & Nabadsugida ayaa waxaay xalay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, Howlgaladaas oo dad badan lagu soo qabtay.
Howlgalka ayaa Ciidamadu waxay ka sameeyeen dhamaan Xaafadaha degmada Hodan, waxayna joojinayeen dadka wadooyinka maraya, ayadoo la Xiray dad dhalinyaro u badnaa, sidoo kale howlgalka uu ahaa mid guri guri baaritaan loogu Samaynayay.
Taliyaha Booliska degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortagga falalka Amaan darada ah ee mararka qaar ay Degmadaas Al-Shabaab iyo Kooxaha Burcadda ah ks geystaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka uu ahaa mid aad loogu adkeynayo amniga Caasimadda maadaama ay dhawaan bilaaban doonaan howlaha doorashooyinka, isla markaana howlgallada ay sii socon doonaan.


Howlgalkaan ay Ciidamada Booliska Dowladda Soomaaliya xalay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli habeeno ka hor Ciidamada ay howlgal ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Wartanabada & Boondheere ee Gobolkan Banaadir.