Macallimiinta u diiwaan gashan dowladda oo tababarro la siinaya

0
284

Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Nancy Macharia ayaa sheegtay in 340,000 oo ah barayaasha u diiwaan gashan dowladda ay qaadan doonaan tababarro dheeraad ah oo sare loogu qaadaya aqoontooda.
Waxay carrabka ku dhufatay in tababarradan ay fududeyn doonaan howlaha dallacsiinta.
Macharia ayaa intaa ku dartay in barnaamijyada lagu taageeraya macallimiinta dalka si gaar ah diiradda loogu saaro doono qaabka ay xirfadaha la xiriira tiknolojiyadda ugu adeegsan karaan wax baridda ardayda.
Madaxa TSC ayaa xustay in ujeedada laga leeyahay tababarka ay tahay in la xaqiijiyo in macallimiinta wadanka ay yihiin kuwo xirfad ahaan la jaan qaadi karo horumarka qarnigan 21-aad.