Dowladda ismaamulka Garissa ayaa sheegtay inay diyaar u tahay la shaqeynta dhinacyada qaybta ka ah dhaqangelinta mashruuca horumarka ee LAPSSET si gobolka uu uga faa’iidaysto.
Xoghayaha ismaamulkaasi Mr .Cabdi Muxumad Cali ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii magdhow loogu sameyn lahaa dadka uu saameeyo hirgelinta mashruucan lagu qarash gelinaya balaayiin shilin.
Waxaa uu dhanka kale dhammaan madaxda laga soo doortay deegaanada Garissa ka codsaday inay dowladda ismaamulka garab ku siiyaan sidii mashruucan uu u noqon lahaa mid sare u qaado bixinta adeegyada bulshada .
Barnaamijkan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyadda dowladda Kenya ee hiigisiga sanadka 2030-ka .
Waxaa looga gol -leeyahay in Kenya laga dhigo wadan horumar ka gaara dhanka kaabayaasha dhaqaale sida warshadaha si ay u jirto isku filnaansho dhaqaale.