Adeegyada biyaha ee bartamaha Nairobi oo berri la xiraya

0
1178

Shirkadda caasimadda dalka ee Nairobi u qaabilsan maareynta adeegyada biyaha ee NCWSC ayaa shaacisay in ay muddo 24 saacadood ah aynan bartamaha magaala madaxda dalka biyo ka jiri doonin.
Arrintan ayaa la filayaa in ay si gaar ah u saameyso agagaarka wadada wayn ee Uhuru highway.
Waxaa go’aankan lagu saleeyay dhismaha marinka Express Way oo
hadda gacanta lagu hayo.
Biya la’aanta ayaa jiri doonto laga billaabo berri 6-da subaxnimo ilaa 6-da subaxnimo ee Jimcada oo ku beegan 16-ka bishan.
Waxay sidoo kale saameyn doonta Mombasa road, South B , South C iyo meelo kale.