Guddiga Midowga Afrika ayaa cambaareeyay khalalaasaha ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay xariga madaxweynihii hore dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma.
Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa baayaan uu soo saaray ku baaqay in si deg deg ah xasiilonadii dalkaasi iyo kala dambeyntii la soo celiyo islamarkaana la ixtiraamo ku dhaqanka sharciga.
Waxaa uu carabka ku adkeeyay in hadii aan sidaa la yeelin ay saameyn weyn ku yeelan karto dalkaasi iyo sidoo kale gobolka.
Dibadbaxyada looga soo horjeedo xariga madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa maalmihii la soo dhaafay isku beddelay rabshado sababay dhimashada dad rayid iyo boobka loo geysanaya hantida dadweynah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Waxaa ay kusoo aadeysa iyadoo ilaa iyo hadda intaa la xaqiijiyay rabshadaha dalka Koonfur Afrika ay ku dhinteen 72 qof.
Mr Zuma ayaa lagu xukumay amar diido maxkamadeed ka dib markii uu ka soo qeyb gali waayey baaritaanka la xiriiro dacwada musuqmaasuqa ee loo haysto ee dhacay intii uu madaxweynaha ahaa.
Waxaa uu diiday eedeymaha musuqmaasuqa isagoo lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah.
Waxaa uu rajeenayaa in xukunka ay laasho ama ay yareyso maxkamadda racfaanka ah ee wadankaasi.