Maxkamad ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa billowday in ay dhageysato dacwad racfaan ah oo uu madaxweynihii hore ee wadankaasi Jacob Zuma uu ka qaatay go’aan ka dhan ahaa.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Zuma lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah.
Go’aanka ayaa lagu saleeyay inuu ku guul dareystay in bishii labaad ee sanadkan uu ka soo hormuuqdo guddi baarayay eedeymo musuqmaasuqa ku saabsan oo uu wajahayay.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo taageerayaasha Jacob Zuma ay dhigayaan dibadbaxyo .
Booliska dalkaasi ayaa laga soo xigtay in dibadbaxyada ay ku dhinteen 6 qof.
Sidoo kale mudaharaadyada iyo falal hanti lagu boobay ka dib ayay laamaha ammaanka xireen 200 qof oo eedeysanayaal ah.