Maxkamadda racfaanka ee Masar oo ayiday xukun lagu riday xubno ka mid ah ikhwaanul muslimiin

0
485

Maxkamadda racfaanka ee dalka Masar ayaa ayiday xukun ahaa xabsi daa’in oo lagu riday 10 ka mid ah hoggaamiyaasha kooxda ikhwaanul muslimiin ee wadankaasi horay looga mamnuucay.
Wakaaladda wararka ee MENA ayaa ku warramaysa in dadka uu xukunka ku dhacay uu ka mid yahay hor joogihii ururkaasi Maxamad Badie.
Go’aanka ay maxkamadda racfaanka taageertay waxaa sanadkii 2019-kii soo saartay maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha ku saabsan falal dambiyeedyada ee magaalada Qaahira.
Xukumanayaasha ayaa lagu cadeeyay dembi ah inay dileen sarkaal boolis ah sidoo kalena qabanqaabiyeen dhacdooyin ay maxaabiis dhan 20,000 xabsiyada kaga baxsadeen xilligii kacdoonkii Masar ee 2011-kii.
Dhadhaqaaqaasi ayaa horseeday in hoggaanka laga tuuro madaxweynihii Masar Hosni Mubarak.