Taliyaha xoogga Soomaaliya oo xariga ka jaray dhismaha taliska qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan

0
404

Muunasabad xariga looga jarayay dhismaha taliska qeybta 27-aad ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Odowaa Raage, Qeybta 27-aad, Taliyaha Cidamada Amisom , madaxweyne ku xigeenka Hirshaabelle , Xildhibaano iyo maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Buula burte, odayasha dhaqanka iyo marti sharaf Kale.
Madxweyne ku xigeenka dowlad gobeledka Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa u mahadceliyay Taliyaha Ciidamada Xoogga maadama uu Taliska Qeybta 27-aad ugartay in ay ku sii shaqeeyso dagmada Buulo-burte, kaa oo sidokale ka codsaday Taliyaha iyo Ciidanka in cadawga laga sifeyo degaanada hoos yimado dagmada.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed Gen.Odawaa Yuusuf Raage oo soo xiray munaasabada Xarig jarka Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Taliska uu masuul ka noqon doono dhul aad baaxad weyn, isaga oo Bulshada Degaanka ka codsaday inay la shaqeeyaan Ciidanka si meesha looga saaro Cadawga ragaadiyay horumarka dadka iyo degaanka ee Al shabaab.
Dagmada Buulo-burte ee gobalka Hiiraan ayaa ka mid ah dagmooyinka ugu amniga badan degaanada dowlad gobaleedka Hirshabeele, in kasta oo cadawga ay godomiyeen.