Kenya oo laga xaqiijiyay 241 ah xaaladaha cusub ee COVID19

0
382

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in 241 qof oo dheeraad ah uu 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay haleelay cudurka COVID19.
Tani ayaa timid ka dib markii cudur sidaha corona laga baaray dheecaan dhan 2,961.
222 ka mid ah dadka ugu dambeeyay ee laga helay caabuqa waa Kenyaan halka 19 ay ajaaniib yihiin.
144 ayaa rag ah halka haweenka ay yihiin 97 waxayna da’doodu u dhexeysaa 6 bilood ilaa 93 sano.
Kiisaska cusub ee maanta ayaa laga kala diiwaangeliyay Nairobi 165 ,Kiambu 16, Nyeri 11, Nakuru 10, Murang’a 6, Mombasa 5, Kajiado 4, Siaya 4, Homa Bay 3, Kisii 3, Kwale 3, Machakos 3, Kilifi 2, Meru 2 halka ismaamullada Narok, Taita Taveta, Uasin Gishu iyo Bomet laga xaqiijiyay min hal xaalad oo hor leh.
Dhanka kale waxaa ilaa iyo maanta gudaha Kenya cudurka looga tallaalay 1,539,087 qof.
1,092 bukaan oo qabo COVID19 ayaa ku jiro isbitaallada kala duwan halka 4,077 lagu daryeelaya guriyaha.
Qaybaha daryeelka degdegga ee ICU-da waxaa lagu daweeynayaa 115 bukaan.
Hal dhimasho oo dheeraad ah taasoo xilli dambe la soo sheegay ayay wasaaradda caafimaadka maanta shaacisay waxayna dhimashada guud tahay 3,722.
Sidoo kale waxaa xanuunka ka caafimaaday 1,401 bukaan oo kale tani oo bogsashada guud ka dhigtay 179,520 .