Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay inuusan ceeb u arkin sidaas awgeedna marnaba raaligelin ka bixin doonin taageerada dhaqaale ee uu siiyo kaniisadaha.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay jiraan shakhsiyaad arrinkan ku dhib qabo balse uu ka codsanaya in ay fahmaan.
Ruto ayaa xusay in hadii madaxda isaga dhaliilaya ay yihiin kuwo qoys ahaan magac ku leh gudaha dalka isaga uu rumeysan yahay inuu garab buuxa ka helay kaniisadaha.
Hadalkan ayuu maanta jeediyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka.