Taliyaha milatariga Soomaaliya oo Buulo-Burte gaaray

0
410

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Maanta gaaray dagmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Buulo-Burde ayaa waxaa taliyaha kusoo dhaweeyay taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Xooga Janaraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) iyo saraakiisha kale ee Ciidamada qalabka sida ee ku sugan degmada Buulo-Burte.
Ujeedka Socdaalka taliyaha ciidanka xoogga dalka ee Magaalada Buulo-Burte ayaa waxaa lagu sheegay ka qeyb galka munaasabadda daahfurka taliska qeybta 27 oo laga dhigay dagmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
Taliye Odawaa ayaa waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato Saraakiisha qeybta 27aad, ee Ciidamada Xoogga isagoo kala hadli doona dardar gelinta howlgallada ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysta deegaano kamid ah Gobolka Hiiraan.
Shalay degmada Buulo-Burde waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle, iyagoo halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan maamulka degmada iyo Odayaasha Dhaqanka deegaanka.