Amniga Marsabit oo la adkeeyay

0
514

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka ismaamulka Marsabit ka dib markii dhawaan ugu yaraan 5 qof lagu dilay.
Waxaa howlgallo sameynaya ciidamo kala duwan oo ay ka mid yihiin saraakiisha sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da.
Abaanduulaha guud ee booliska dalka Mr.Hillary Mutyambai ayaa sheegay in saraakiisha la siiyay amar cad oo ah in aynan ka gaabin dib u soo celinta xasiloonidii ka jirtay ismaamulkaasi.
Iskudhacyada ayay wararku sheegayaan inay yihiin kuwo qabiil salka ku haya.