Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa soo jeediyay in guddiga loo xilsaaray turxaan bixinta saraakiil doonaya in ay ku biiraan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan xeerarka wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo in mas’uuliyiinta maareynaya doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay yihiin shakhsiyaad leh aqoon iyo khibrad shaqo oo ku filan.
Mr. Mudavadi ayaa tusaale u soo qaatay qof ka mid ahaa saraakiisha la turxaan bixinaya oo adeegsanayay shahaado jaamacadeed oo been abuur ah taasoo ugu dambeyn laga war helay.
Waxaa uu ku celceliyay in hadii aan feejignaan dheeraad ah la muujin ay waax kasta oo dowladda ka mid ah ka shaqeyn karaan dad si khiyaano ah uga gudbay turxaan bixinta
Turxaan bixinta oo weli socoto ayaa la doonayaa in lagu buuxiyo 4 ka mid ah jagooyinka sare ee guddiga IEBC oo ay saraakiishii hayay sanado ka hor iskaga casileen.