Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Soomaaliya Cumar Cali Rooble iyo Hay’adaha ka shaqeeya Qeybinta Udxiyadda, Maadaama ay nagu soo food leedahay Ciida Carafo, islamarkaana la doonayo in Bulshada si hufan loo gaarsiiyo Udxiyada ay bixiyaan hay’adaha arrimahaasi ka shaqeeya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Hey’addaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada faray in xoolaha lagu gowraco kawaanada xoolaha lagu qalo ee Magaalada Muqdisho, isla markaana laga fogaado xoolaha lagu gowracayo Magaalada Dhaxdeeda ama goobo aan loo asteenin.
Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay in la ilaaliyo Bad-qabka Deegaanka iyo Faya-dhowrka si Bilicda Magaalada loo dhowro islamarkaana Shacabka loo gaarsiiyo Udxiyada iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa aad looga dareemayaa diyaar garowga Maalmaha Ciidul Carafa iyadoo inta badan shacabka Islaamka ee Ciida Carafo sadaqeestaan Hilibka Xoolaha (Udxiya).