SAWIRRO:Wasiirka waxbarashada ee dalka oo gaaray Ceeldaas

0
547

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta gaaray deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer.
Waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay mudanaha laga soo doortay deegaankaasi Aadan Keynaan Wehliye.
Waxaa sidoo kale mas’uuliyiintii soo dhaweysay ka mid ah barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cali Muktaar, senetarka dowlad deegaankaasi Cabdullaahi Cali Kabreta, xildhibaanka galbeedka Wajeer Axmad Qaloosh dhiggiisa Koonfurta Maxamuud Sheekh iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaasi.
Booqashada wasiirka tacliinta ee ismaamulka Wajeer ayaa ah si uu xariga uga jaro dugsiga sare ee Ultra Modern oo ku yaala deegaanka Ceeldaas.
Xildhibaanka deegaanka Ceelaas Aadan Keynaan ayaa booqashada wasiirka ku tilmaamay mid taariikhi ah.
Waxaa uuna sheegay in waxbarashada ay tahay aas-aaska aqoonta ayna fursad u tahay ardayda.
Mudanaha ayaa intaa ku daray in tani sare loogu qaadayo awoodda waxbarashada si loo hubiyo horumarka bulshada.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa kormeeray dugsiyada ku yaalla deegaanka Ceeldaas.