Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalka oo ku sugan Tanzania

0
520

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ambasadoor Raychelle Omamo ayaa gelinkii dambe ee shalay gaartay dalka Tanzania.
Waxaa ay halkaasi u tagtay booqasho hal cishio ah.
Bayaan shalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa lagu sheegay in ujeedka safarka ee wasiiradda uu yahay xiriirka laba geesoodka ee labada dal iyo guulihii laga gaaray boqashadii rasmiga ahayd ee bishii Shanaad May ee sanadkan dalka ku timid madaxweynaha dalka Tanzania Saamiya Suluhu Xasan.
Wasiiradda arrimaha dibadda ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay dhiggeeda Tanzania sidoo kalena ah safiirka iskaashiga bariga Afrika Ambasadoor Liberata Mulamula.
Labada mas’uul ayaa ku baaqay in la dedejiyo fulinta heshiisyadii ay kala saxiixdeen iyo sidoo kale tilmaamihii ay soo saareen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Tanzania Saamiya Suluhu Xasan intii lagu guda jiray booqashadii taariikhiga ay ku timid wadanka bishii Shanaad ee sanadkan.
Waxaa ay carabka ku dhuufteen muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee dhammaan dhinacyada danaha wadaagga ah oo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadeed, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa safarkii Saamiya Suluhu Xasan ee dalka ku timid uu ganacsatada dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Tanzania ku wargeliyay in ay Kenya uga shaqeysan karaan si la mid ah muwaadiniinta.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in laga doonayo keliya u hoggaansanka xeerarka dastuuriga ah .
Sidoo kale waxaa uu xusay in Kenyaanka doonaya in ay horumar dhanka ganacsiga ah ka sameyaan gudaha Tanzania ay xor yihiin keliya looga baahan yahay in aynan jebin shuruucda dalkaasi.